3 Al-Shabaab ah oo meydadkooda laga helay meelo ka mid ah gobolka W/Bari

0
45

Booliska Kenya ayaa xaqiijiyey Axadii aynu soo dhaafnay in la arkay 3 Al-Shabaab ah meydadkooda meel god ah kadib weerar guuldareysatay oo ay ku soo qaadeen booliska xarumo ay ku leeyihiin Wajeer.

Taliyaa booliska kowntiga Wajeer Stephen Ngetich ayaa sheegay in 3 meyd la helay kadib markii mintidiinta ay isku dayeen in ay weerar ku soo qaadaan xafiis dhanka maamulka ah ee ciidammada gaarka ahi ku leeyihiin Kaam ku yaalla degaanka Kutulo maalintii Khamiista.

Tani ayaa dhalisay in 2 saacadood tacshiirad la isweydaarsado halka ragii weerarka soo qaaday ay gadaal ugu carareen dhank xaduudka.

“Saddex ka mid ah waa la dilay, welina waxaan meydadkooda ka raadineynaa agagaarka xaduudaha” ayaa uu sheegay Ngetich.

Ciidanka ayaa iyagu isugu jira saraakiil dhar cad ahoo laga soo xulay booliska maamulka wee AP-da iyo gaar ahaan qeybta howlgallada deg degta ah (Rapid Deployment Unit_ iyo qeybta ilaalada xaduudka ee afka qalaad lagu yiraadho (Rural Border Patrol unit).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here