Abdikadir Mohammed oo loo magacaabay xil safiirnimo

0
34

[RMK]: Guddoomiyihii hore ee Guddiga Kormeerida Hirgalinta Dastuurka, Abdikadir Mohammed ayaa loo magacaabay xil safiirnimo.

Madaxweyne Uhuru ayaa maanta u magacaabay xilkaasi ayadoo uu noqon doono loona magacaabay xilka safiirka Kenya ee Koofur Korea. Abdikadir Mohammed oo sidoo kale lagu naaneyso Abdikadir Lawyer ayaa lagu soo daray liiska dad uu xilal kala duwan madaxweynuhu maanta usoo magacaabay.

“Waxaan helay xogta ku saabsan anoo ka xun istiqaalada Xeer Ilaaliyaha Guud Barafasoor Githu Muigai. Waxaan ku mahadinayaa khidmeyntii lixdii sano iyo barkii lasoo dhaafay. Waxaan baddalkiisii magacaabay oo xilkaa qabanaya Paul Kihara Kariuki. Waxaan sidoo kale maanta magacaabay Kennedy Ogeto oo noqonaya madaxa dhagaysiga dacwadaha maxkamadaha dalka (Solicitor General) waxaana sidoo kale u magacaabay Njee Muturi inuu noqdo Ku-xigeenka Madaxa Shaqaalaha. Sidoo kale waxaan u magacaabay Abdikadir Mohammed inuu noqdo safiirka dalka u fadhiya Koofur Korea”. Sidaasi ayuu bayaan ku xusay madaxweyne Uhuru maanta.

Abdikadir ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo uu ka mid yahay kaa aan soo sheegnay ee guddoomiyenimada Guddiga Kormeerida Hirgalinta Dastuurka iyo inuu ahaa mar xildhibaanka bartamaha degmada Mandheera.

Aaden M Warsame
RMK
warsamema1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here