Ardayda Jaamacadda Nairobi oo doortay gudoomiye cusub

3
39

By: Burhan Farah Hassan

[RMK]   Mr Manyara Muchui ayaa loo doortay gudoomiyaha cusub ee ururka ardayda jaamacadaasi oo loo soo gaabiyo UNSA.

Waxaa sidoo kale la doortay Ombewa Peter oo ah (Xoghayaha Guud) iyo Ms Njiru Laureen Kanana oo noqoneysa (khasnajiga ururka ardayda) doorashada ayaa dhacday Jimcihii.

Gudoomiyaha guddiga madax banaan ee doorashooyinka jaamacadda M.A Jama ayaa sidoo kale shaaciyey Ms. Rebecca Orare in ay tahay gudoomiye ku xigeen, sidoo kalena Kalapa Mukupo uu yahay (Wakiilka Ardayda Caalamiga ah).

Stephen Sergon ayaa isagu noqon doona wakiilka ardayda leh dhibaatada dabiiciga ah, halka Dennis Museti loo magacaabay qeybta isboortiga iyo samofalka bulshada.

Prof. Jama ayaa sheegay in doorashada loo qabtay qaab waafaqsan dastuurka 2017 ururka jaamacadda.

Doorashada ayaa waxaa u loolamay 4 kooxood oo ay kala hogaaminayeen Daphine Githuku, Abdi Jamal Adan, Job Omondi Otieno iyo Mr Muchui.

RABSHADO:

Wararka kale ee ina soo gaaraya waxaa ay sheegayaan in galabnimadii maanta ay ardayda qaarkood sameeyeen banaanbax ay ku qaadacayaan doorashada.

Waxaa ay ka soo horjeedaan xafladii dhaarinta gudoomiyaha cusub ee ururka ardayda Mr. Manyara Muchui.

Ardayda oo banaanbaxoodu rabshad isku bedelay ayaa gubayey taayaro, isla markaasina bur bur u geystay dhismaha jaamacadda, waxaa goobta yimi booliska iyagoo qabqabasho ku bilaabay ardayda banaanbaxa wadey, isla markaasina kala ceyriyey.

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here