AU oo taageeray in Afrika dadku is dhex socdo

0
34

[RMK]: Ururka Midowga Afrika ee AU ayaa taageeray in dadku u socdo si xor ah meeshii ay doonaan iyo dalkii ay doonaan, gudaha qaarada Afrika. 

AU ayaa sheegay in uu la imaan doono habab uu arinkaasi ku hirgalaayo. Waxaa AU uu sheegay in arinkaasi sahli doono koboca dhaqaalaha ee qaarada.

IGAD ayaa haatan asna urur ahaan kala shaqeynaya arinkaasi sidii uu ku hirgali lahaa AU. IGAD ayaa waxaa ka tirsan 8 dal oo ay ku jiraan Kenya iyo Soomaaliya.

Shir ku saabsan is dhexgalka ayaa ka furmay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Axadii ayadoo looga hadlay isdhexgalka shacuubta dalalka IGAD iyo guud ahaan qaarada Afrika.

Shirkaas ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno kasocday dawlada Soomaaliya, dawlad goboleedyada Soomaaliya, ururo aan dawli ahayn, aqoonyahano iyo masuuliyiin ka socday AU, IGAD iyo Beesha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here