Bangiga RBC Ee dalka Kanada Oo iradaha isugu dhufanaya Xawaaladaha Soomaalida

0
21

By: Burhan Farah Hassan

Madaxda Bangiga The Royal Bank of Canada (RBC) ee dalka Knaada waxay shaaciyeen inay berrito dhaqan gelin doonaan Go’aanka ay ku joojinayaan Xisbaab-lacageedka Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida ee macaamilka la ah Bangigaas.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Bangiga RBC ayaa lagu sheegay inay xiri doonaan Xisaab-lacageedka ay Shirkadaha Xawaaladaha ee Amal Express iyo Iftin Money Transfer ku lahaayeen Bangigaasi.

Qoraalka waxaa lagu muujiyey in Xisaab-lacageedka Shirkadda Amal Express la xiri doono bishan April 17-da oo ku beegan maalinta berrito oo Talaado ah, halka Shirkadda kale ee Iftin Money Transfer sheegeen la xiri doono bisha soo socota ee May 15-da, sida ku cad Amarka ka soo baxay Bangiga The Royal Bank of Canada (RBC).

Jaalliyadda Soomaalida ee ku nool magaalladda EDMONTON ee Gobalka Alberto ee dalka Kanada oo tiradooda dhan tahay 200 oo kun oo qof waxay cabsi xooggan ka muujiyeen Khatarta ku soo fool leh Nolosha qoysaska Soomaalida ee ku tiirsan Lacagaha ay u xawilaan, kuwaasi oo ku nool Somalia iyo Xeryaha Qaxootiga Kenya.

Qareen Maxamed Akordo oo u dooda Xuquuqda Aadanaha kuna nool magaalladda Edmonton ayaa sheegay in Go’aanka Bangiga The Royal Bank of Canada (RBC) ee lagu xirayo Xawaaladaha Soomaalida tahay arrin meel-ka-dhac ku ah Xuquuqda Aadanaha, isla markaana si gaar ah loogu beegsanayo Jaalliyadda Soomaalida oo keliya.

Dhinaca kale, Milkiilayaasha Shirkadaha Xawaaladaha ee Amal iyo Ifrin waxay labaduba sheegeen inay la yaabeen Go’aanka ka soo baxay Bangiga The Royal Bank of Canada (RBC).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here