Booliiska Kanada Oo Baaraya Dilkii loo geystay Cigaal Daa’uud

0
8

Booliska waxaa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano cidda ka dambeysay dilka Cigaal Daa’uud oo ka mid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku noolaa dalkaasi.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Booliska ayaa sheegay in Cigaal oo 30 Sano jir ah Meydkiisa laga dhex helay Gaari nuuca Raaxadda ah.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in meydka Wiilka oo inka badan 24 saac dhex yaallay Gaariga Parkinka ku jiray ee lagu dhex dilay iyada oo aan ilaa hadda la ogeyn cidda dishay.

Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Canada Sanadyadii lasoo dhaafay, waxaana ciidamada Booliska ay horay u sheegeen in dhalinyaradda Soomaaliyeed dhexdooda ay is dilaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here