Chebukati: “Anigu Waxba Kama Ogi Iscasilaadda….”

3
40

By: Burhan Farah Hassan

[RMK]    Gudoomiyaha IEBC Mr Wafula Chebukati ayaa sheegay in uusan waxba kala socon iscasilaaha la sheegay in ay sameeyeen qaar ka mid ah kamiishinarada/ Isku xirayaasha isaga hoos taga.

Chebukati ayaa sheegay in uu arrimaha ka ogaaday oo keliya dhanka warbaahinta oo uu ka maqlay sida wax u jiraan iyo in ay gudoomiye ku xigeenka ururka Consolata Nkatha iyo Kamishinar Paul Kurgat iyo Margaret Mwachanya in ay ka tageen jagooyinkooda.

“Weli ima soo gaarin xiriir rasmi ah ama warqad ku saabsan iscasilaadda. Guddigu waxa uu war ka soo saari doonaa arrimahani waqtiga ku haboon” ayaa uu yiri Chebukati oo shir jaraa’id qabtay.

Qeybta 7A ee sharciga ururka doorashooyinka madaxa banaan ee IEBC, waxaa uu qeexayaa in mas’uul kasta oo kaamishiner ah doonayana in uu is casilo uu warqadda iscasilaadda u qoro madaxweynaha dalka, mana aha in uu warqad u qoro gudoomiyaha IEBC.

3-da mas’uul ee haatan iska casishay guddiga doorashada IEBC ayaa ku dhawaaqay iscasilaadooda iyaga oo sheegaya in gudoomiye Chebukati uu ku guuldareystay in uu ku hogaamiye hogaan toosan.

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here