Daad gooyay wadada Narok-Mai Mahiu

0
45

Aaden M Warsame

Daad ayaa gooyay wadada Narok-Mai Mahiu mar kale ayadoo dhawaan la ogsoon yahay in roobab mahiigaan ah ay jareen wadadaas.

Safarey aad u badan ayaa wadaa ku bad xirmay. Dhanka wadadaas ee deegaanka Suswa ayaa go’ay. Wadadaas ayaa caadiyan ah mid mashquulkeedu badan yahay oo ay gaadiid badan adeegsadaan.

Shalay ilaa doraad ayaa ay xirneyd wadadu. Roobab mahiigaan ah ayaa ka hooray deegaankaas. Dhanka kale daadka ayaa la tagay gawaari dhowr ah. Lix qof oo gawaaridooda uu daad qaaday ayaa waxaa soo badbaadiyay dadka rayidka ah ee deegaankaasi ku dhaqan.

Meesha go’day ayaa qiyaas ahaan u jidha 50 km magaalada Narok. Dad dalxiiseyaal ah oo ajaaniib ah ayaa kujira dadka ku xayirmay halkaas. Sidoo kale ayaa markii uu jidku xirmay waxaa dhacday in zaxmad ama ciriiri dhanka gawaarida ah uu ka bilowdo halkaasi shalay ilaa maanta.

Markii dhibkaasi dhacay oo wadadu go’day ayaa waxaa gawaari badan qasab ku noqotay inay isticmaalaan wadada Nakuru–Kericho  baddalkii Narok-Mai Mahiu inkastoo wadada Narok-Mai Mahiu ay ka gaaban tahay tan Nakuru-Kericho.

Gaadiidleyda ayaa aad looga booriyay inay u taxadaraan oo ay feejignaadaan markii ay wadadaasi isticmaalayaan haatan oo roobabka mahiigaanka ah ay wali ka da’ayaan halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here