Degdeg: Dhurwaa lunsan oo ari badan ku laayay degaanka Mwingi

0
40

Aaden M Warsame

Dhurwaa soo habaabay ama ahaa mid lunsan ayaa ari aad u badan ku laayay deegaanka Mwingi gaar ahaan tuulada Kyandoo ee deegaan-hoosaadka Kamuwongo.

Deegaankaasi dhacdadu ka dhacday ayaa waxaa uu hoos tagaa guud ahaan degmo-hoosaadka Kyuso. Waxaa dhurwaagaasi uu laayay ilaa 17 neef oo ari ah hal mar. Ari kale oo aad u badan ayaa dhurwaagaasi uu halkaasi ku dhaawacay.

Julius Kitheka oo ka mid ah dadka deegaankaasi ku nool ayaa sheegay in ariga waraabuhu dilay ay saddex neef ahaayeen kuwo ka tirsanaa arigiisa. Wuxuu dawlada ugu baaqay inay soo qabato dhurwaaga ariga laayay ayna sidoo kale magdhaw siiso dadka ariga uu dhurwaagu ka laayay.

Jiif-hoosaadka lagu magacaabo Richard Muthengi ayaa xaqiijiyay in durba dhacdadaas lagu soo wargaliyay asaga xafiiskiisa.

Ariga waraabuhu laayay ee meydadkooda la helay maahee waxaa sidoo kale maqan oo fiigay ari kale oo badan oo deegaankaasi laga lahaa kadib markii uu waraabuhu soo weeraray ama galay.

Mudane Richard Muthengi ayaa ugu baaqay dadka deegaankaasi ku nool inay isdajiyaan maadaama laanta duurjoogta ee magaceeda loo soo gaabiyo KWS ay haatan ku hawlan tahay sidii loo soo qaban lahaa dhurwaaga dhibka geystay loona xabisi lahaa iyo sidii magdhaw loo siin lahaa dadka uu khasaaraha gaarsiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here