Degdeg: Xeer ilaaliyihii guud ee Kenya oo iscasilay

0
54

[RMK]: War degdeg ah oo hada soo dhacay ayaa sheegaya in xeer ilaaliyehii guud ee dalku uu iscasilay.

Xeer ilaaliye guud Githu Muigai ayaa maanta si rasmi istiqaaladiisa ugu gudbiyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.

“Waxaan helay xogta ku saabsan anoo ka xun istiqaalada Xeer Ilaaliyaha Guud Barafasoor Githu Muigai. Waxaan ku mahadinayaa khidmeyntii lixdii sano iyo barkii lasoo dhaafay. Waxaan baddalkiisii magacaabay oo xilkaa qabanaya Paul Kihara Kariuki. Waxaan sidoo kale maanta magacaabay Kennedy Ogeto oo noqonaya madaxa dhagaysiga dacwadaha maxkamadaha dalka (Solicitor General) waxaana sidoo kale u magacaabay Njee Muturi inuu noqdo Ku-xigeenka Madaxa Shaqaalaha. Sidoo kale waxaan u magacaabay Abdikadir Mohammed inuu noqdo safiirka dalka u fadhiya Koofur Korea”. Sidaasi ayuu bayaan ku xusay madaxweyne Uhuru maanta.

Aaden M Warsame
RMK
warsamema1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here