DHAGEYSO:Xildhibaanada Jubilee oo maalinta berito ah la kulmi doono Madaxweynaha ka hor intaan la furin barlamaanka

0
28

Xildhibaanada xubnaha ka ah xisbiga talada haya ee Jubilee kuwaaso dhan 160 ayaa lagu wadaa in saaka ay kulan la qaatan Madaxweyne Uhuru Kenyatta ka hor intaan dib la isugu soo laabanin aqalka barlamaanka.

Sida wararka ay sheegayaan kulankan oo ka dhacaya aqalka madaxtooyada ayaa ajandaha koowad ayaa waxuu yahay sidii Madaxweynaha uu ugu dhiiri galin lahaa xildhibaanada ka qeyb qaadashada fulinta ballanqadkiisa iyo higsiga afarta qodob ee dowladiisa as aaska u ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadli doona mudanayaasha meel marinta golahiisa wasiirada oo isbuucii lasoo dhaafay la turxaan bixiyay iyadoo la filayo in magacyada wasiiradaasi maanta la horkeeno barlamaanka si ay uga doodan.

Hogaamiyaha aqlabiyada barlaamaanka ahna xildhibaanka Garissa Township ayaa arrimahani ka hadlaya gaar ahaan sharciyada horyaala barlamaanka.

Barlamaanka oo muddo bil iyo bar fasax kumaqnaa ayaa beri isugu soo laaban iyadoo ajandayaasha ugu weyn ee horyaalana ay yihiin meel marinta magacyada golaha wasiirada iyo miisanayida 2018-2019-ka.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO CODKA HONORABLE AADAN BARRE DUCAALE:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here