Dowlada oo heshiisyo dhanka millitariga ah la galeyso Talyaaniga

0
23

By: Burhan Farah Hassan

[RMK]    Dowlada dalka ayaa qorsheyneysaa sidii ay heshiis ula gali lahayd dowlada dalka Taliyaaniga oo maamusho xerada lagu sameeyo baaritaanada setelaite-ka iyo tababarka ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ee San Marco oo ku taala countiga Kilifi ee Gobolka Xeebta wadanka.

Xeradani ayaa ah mid lagu tababaro ciidamada qaar ee katirsan militariga dalka, kuwaasii oo la baro sida loo maamulo hawada sare islamarkaana loola socdo dhaqdhaqaaqa wax waliba oo dalka ka soo galayo dhanka hawada.

Xoghayaha joogtada ee wasaarada difaaca dalka Saitoti Torome iyo xubnaha guddiga difaaca iyo isku xirka arimaha dibadda ee baarlamaanka dalka ayaa booqday xeradaasii San Marco, ayaga oo sheegay in dhawaan ay dowlada Taliyaaniga kala heshiin doonaan sidii Ciidama militariga dalka ay ugu tababaran lahaayeen xeradaasii.

San Marco oo ay maamusho Dowlada taliyaaniga ayaa waxaa kasoo qalin jabiyay saayaansiyahano 180 gaarayo, kuwaasii oo haatan ka howlgalo dhamaan waaxyaha dowlada hoos yimaado.

Saayaansiyahanada halkan kasoo baxa oo ay u badanyihiin ciidamada militariga ayaa la sheegaa in ay sameeyaan baaritaano ku saabsan hawada sare ee dalka iyo sidii loo maamuli lahaa.

Ma aha oo kaliya dowlada Taliyaaniga, xita ciidamada militariga Ingiriiska ayaa sanad waliba kumanaan Askari usoo diraa dalka si ay tababar ugu soo qaataan Countiga Laikipia oo ay Ciidamadan Ingiriiska ku leeyihiin saldhig wayn oo ay tababarka ku sameeyaan.

Dowladaha Kenya iyo Britain ayaa iska kaashadaa dhanka militariga, waxaana jiraa ciidamo badan oo katirsan Difaaca dalka ee KDF-ta, kuwaasii oo la tababaranayaa ciidamada Ingiriiska ee ku sugan Laikipia, halka qaar kalana ay joogaan magaalooyinka dalka Ingiriiska oo ay tababarka kusoo qaadanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here