Dowladda Koonfurta Suudaan Oo Dil ku xukuntay Afhayeenkii Hore Ee Mucaaridka dalkaasi

0
19

Maxkamada Koonfurta Suudaan ayaa dil ku xukuntay Afhayeenkii hore ee xisbiga mucaaradka dalkaasi, kadib markii lagu soo eedeeyey khiyaano qaran, isgoo ay u furan mudo labo todobaad inuu racfaan ka qaato go,aanka maxkamada.

Afhayeenkii hore James Gatdet Dak, oo ka tirsanaa ururka mucaaradka ee SPLA-IO, ayaa xabsi ku jirey illaa iyo bishii November 2016-dii, markii uu barta bulshada ee facebook-ga, ku sheegay inuu taageerayo ka eryidda taliyaha ciidamada Qaramada Midoobey ee nabad ilaalinta u joogga Koonfurta Sudan.

Ciidamada Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo jeneral Kenyan ah, ayaa lagu eedeeyey inuu ku guul dareystay inuu difaaco shacabka intii lagu guda jirey dagaalka.

James Gatdet ayaa waxa uu ku noolaa Kenya, halkaas oo uu ka helay magan galyo qaxooti. Kadib markii uu daabacey warbixintii buuqa dhalisay, waxaa laga eryey dalka Kenya,isgoo markaas dib ugu noqday Koonfurta Sudan, waxaa la hor geeyey maxkamad waxaana lagu eedeeyey khiyaano qaran, iyo eedeymo kale.

Bishii hore, qareenadiisa ayaa sheegay in maxkamadda ay carqaladeyneyso xabad joojintii iyo heshiiska u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka, kaasoo tilmaamaya in dhammaan maxaabiista siyaasadda u xir xiran in lasii daayo, taasoo keentay inay dib ula noqdaan keeskii ay maxkamadda ka fureen, iyagoo ka cabanaya sida ay wax u socdaan.

Inkastoo ay xabad joojin aan cago badan ku taagneyn la kala dhex dhigay labada dhinac ee dagaalka ka dhaxeeyo, haddana waxaa socda dadaalo loogga gol leeyahay in nabad looggu keeno dalkaasi dagaalku hala keeyey, iyadoo ay wali jiraan isku dhacyada sii socda iyo caqabado kale.

Aroortii hore ee maanta wefdiyo kala matalaya mucaaradka iyo dowladda ayaa isaga baxey wada hadalo ka dhacayey Itoobiya, taasoo dowladda Koonfurta Sudan lagu eedeeyey iney xaley weerartey fariisimo mucaaradku leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here