Dowladda Oo Nairobi ka dhiseysa 30,000 guryo qiime jaban lagu kireysanayo

0
24

By: Burhan Farah Hassan

[RMK]   Dowladda dhexe ayaa xariga ka jartay mashruuc ay ugu talo gashay in ay ku dhisto guryo qiimahoodu hooseeyo kuwaasi oo ka kooban 30,000 guri, dhismaha guryahay ayaa laga dhisayaa caasimadda degaanadeeda loo yaqaan Eastlands, waxa ay ka mid tahay hirgelinta ujeedooyinka ‘4-ta ah’ kuwaasi oo ah bartilmaameedka wax qabad ee xisbiga talada haya.

Guryaha qiimahoodu hooseeyo ayaa lagu bartilmaameedsanayaa in lagu yagleelo ilaa 5,000 oo guri oo laga dhisi doono degmada Shauri Moyo, 20,000 oo guri oo laga dhisi doono Makongeni, 3,000 oo guri oo laga dhisayo degaanka Starehe iyo 2,000 oo cutub oo laga hagaajinayo wadooyinka xaafadaha ku yaal Park Road.

Dhismayaasha ka soconaya Shauri Moyo, Makongeni iyo Starehe ayaa guryahaasi waxa ay bilaabanayaan 6 bilood gudahood halka 2,labada kun oo cutub ee Park Road laga dhisayo ay bilaabanayaan 3-da bilood ee soo socota.

Isaga oo Axaddii ka hadlayey shir jaraa’id oo ka dhacayey aqalka madaxtooyada ee State House, Nairobi, ayaa afhayeenka aqalka madaxtooyada Manoah Esipisu, waxa uu sheegay in kooxda hogaanka u heysa isbedel u sameynta caasimadda Nairobi ay waqti u qabteen 6 bilood in lagu damaanad qaado mashruucani.

“Waxa aynu ka hadalnay sidii loo aasaasi lahaa nidaam lagu aasaasayo shirkadda Kenya Mortgage Refinance Company bisha soo socota gudaheed. Laakiin waxa ay tani inoo sahleysaa in aynu mashaariicdani ay noqdaan kuwo horumarin ku sameeyo barnaamijka ajendayaasha 4-ta ah ee madaxtooyadu dooneyso in ay u hirgalaan sida ugu dhaqsiyaha badan.” sidaasi waxaa sheegay afhayeenka madaxtooyada Kenya, Mr. Esipisu.

Arrimaha caafimaadka isaga oo ka hadlayey waxa uu sheegay in kooxdu mashaariicda wada ay qabsadeen waqti 6 bilood ah in ay ku soo dhameeyaan xaqiijinta isbitaalka Mbagathi iyo istibaalka Mama Lucy iyaga oo meel qalabeynaya qeybaha shilallka iyo arrimaha deg degta ah ee isbitaalkaasi si hoos loogu dhigo cadaadiska Kenyaan ka ka heysta adeegyadii ay u aadi jireen isbitaalkii weynaa ee Kenyatta National Hospital.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here