Ganacsatada ka ganacsata Ubaxa oo rajeynaya suuq wanaagsan

0
31

Gedisleyda dhoofsata geedka ubaxa ayaa saadaalinaya in ay heli doonaan macaash wanaagsan oo ay ka helaan ubaxa wixii ka bilowda maalinta Arbacada kolkaasi oo xaflado kala gedisan ay kor u qaadi doonaan iibsiga ubaxa qoyan.

Waxa ay sheegeen in si ka faa’iido badan sanadkii 2017 ay heli doonaan lacag faa’iido ah. Ubaxa Kenya ayaa loo dhoofiyaa dalalka barwaaqo sooranka Yurub iyadoo suuqyada Yurub ubaxa lagu jumleysto lacagta Yuurada.

Agaasimaha Guddiga Beeraha dalka Jane Ngigi ayaa sheegtay in marka laga soo tago lacagtani awoodda badan ay isha dhaqaale ee ubaxu ay diiwaan galisay macaash ka bada kii sanadkii hore.

Si kastaba guddiga ayaa weli ka shaqeynaya tirakoobka.

“Waxaanu isha ku heynaa kobaca dhaqaale ee aynu ka heli karno iibinta geedka Ubaxa weliba maalinta Valentine day loo yaqaan ayeynu ka dhursugeynaa macaamiisheenna tan kale waxa ay tahay inaga oo faa;iido ka helayna lcagta Euro oo iyadana faa’iido noogu jirto sarifkeeda” sidaasi waxaa sheegtay Ms Ngigi, oo ah madaxii hore ee Guddiga dhirta ubaxa ee Kenya Flower Council.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here