Garsooraha Maxkamadda Sare Oo isku dhaf ku sameeyay garsoorayaasha maxkamadaha dalka

0
27

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sameysay isku dhaf dhanka garsoorayaasha ah waxaana garsoorayaasha uu saameeyay isbedelka ka mid ah garsoore George Odunga oo ka mid ah garsoorayaasha aadka magaca ugu lahaa maxkamadda.

Garsoore Odunga oo isagu maxkamadda ka ahaa guddiga dib u eegista sharci-dejinta ee Nairobi ayaa waxaa loo bedelay maxkamadda sare ee Machakos isaga oo qabtay jagada hogaanka garsoorka isaga oo booska ka bedelay garsoorihii hore ee Pauline Nyamweya.

Garsoore Odunga ayaa hirdan kulul kala kulmayey siyaasiyiin u janjeera dhanka xisbiga Jubilee sababo la xiriira go’aanadiisa ad adag.

Go’aannada uu gaari jirey waxaa ka mid ah go’aanno haatan ka hor la degay saraakiisha kowntiyada dalka waqtigaasi oo uu saraakiisha soo noqoneysay iyo ku xigeennadooda uu ku tilmaamay kuwo si sharci darro ah loo magacaabay.

Go’aankaasi uu waagaasi qaatay garsoore Odunga ayaa loo gudbiyey maxkamadda rafcaanka halkaasi oo si gaar ah fiidnimadii looga gorfeeyay.

Hogaanka sare ee Garsoorka dalka Mr. Maraga ayaa haatan waxaa isku dhafkiisa dhanka garsoorayaasha uu saameeyay 14 garsoore.

Waxaa ka mid ah garsooraha sare ee maxkamadda cadaaladda Richard Mwongo oo loo wareejiyey xarunta Naivasha, garsoore Christine Meoli, oo iyadu laga soo wareejiyey Naivasha loona soo wareejiyey kowntiga Kiambu iyo garsoore Joel Ngugi oo laga soo wareejiyey Kiambu loona wareejiyey Nakuru oo uu ka noqonayo garsoore sare.

Garsooreyasha kale waxaa ka mid ah Maureen Odero oo laga keenay Nakuru loona soo wareejiyey Nairobi (qeybta dadweynaha), Garsoore Lydia Achode- Waaxda qoysaska ee Nairobi loona wareejiyey maxkamadda sare ee Eldoret halkaasi oo loo dalacsiiyey garsooraha sare.

George Kimondo ayaa isaga loo wareejiyey dhanka Kisii.

Garsoore Jacqueline Kamau wuxuu dib ugu soo laabtay Nairobi isagoo laga soo wareejiyey maxkamadda sare ee degmada Voi, halka garsoore Wilfrida Onkwanyi laga keenay Kisii loona soo wareejiyey Qeybta dastuuriga iyo bani’aadanimada ee Nairobi.

Garsoore Rose Ougo ayaa iyadu laga bedelay qeybta qoyska ee maxkamadda Nairobi waxaana loo bedelay maxkamadda sare ee Kisii High Court, halka garsoore Roselyn Aburili laga bedelay qeybta dib u eegista dastuurka ee Nairobi waxaana loo bedelay maxkamadda Bungoma oo ay ka noqon doonto garsooraha sare.

Garsoore Boaz Olao oo ka tirsanaa qeyta degaanka iyo dhulalka ee maxkamadda Kerugoya ayaa lagu bedelay garsoore Samuel Mukunya oo isagu ka shaqeynayey Bungoma.

Garsoore Joseph Karanja ayaa haatan gudoomin doona maxkamadda sare ee Homabay halka iyadu garsoore Abida Ali Aroni ay ka imaan doonto Bungoma loona soo bedelay Waaxda Qoysaska ee caasimadda Nairobi.

Dhammaan garsoorayaasha aynu soo sheegnay ayaa xilalkooda soo geli doona bisha Abriil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here