Gavanaaga Kowntiga Muranga Oo balanqaaday bixinta adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah

0
8

By: Burhan Farah Hassan

[RMK]     Gavanaaga Murang’a gavanaa Mwangi Wa Iria ayaa bilaabay diiwaangelinta dadka bukaanka ah ee la liita jirooyinka aadka u daran ee kowntigaasi Murang’a.

Waxaa uu gavanaaga sheegay in uu dadkaasi kowntiga ka tirsan uu siin doono adeeg dhanka kaararka ceymiska caafimaadka ah ee kaarka NHIF-ta isaga oo hoos geyn doona barnaamijka caafimaad ee heer caalami ah.

Maamulkisa ayaa uu sheegay in uu bartilmaameedsanayo in uu diiwaangeliyo bukaan gaaraya 35,000 dadweyne ah oo laga xulan doono dadka sida aadka ah ula ildaran xanuunada, waxaana uu balanqaaday in lagu daaweyn doono si lacag la’aan ah.

Isku xiraha kowntiga ee adeegga caafimaad ee Grace Wairimu ayaa sheegtay in saraakiisha diiwaangelinta durba loo rakibay goobo fariisimo ah halkaasi oo diiwaangelinta kadib baaris caafimaad iyo dawo bixinta ay ka bilaaban doonto.

Dhammaan dadka isdiiwaangeliyay ayaa dawooyinka la siin doonaa.

Isku xiraha caafimaadka kowntigaasi ayaa sheegtay in ay degaan hoosaad walba ka diiwaangelin doonaan 2,500 oo bukaan ah, si aysan dadka meelo dhaadheer uga imaanin iyagoo dawada soo raadsanaya, Ms Wairimu ayaa tilmaantay in xaafad waliba la geyn doono adeegga caafimaad.

Waxa ay sheegtay in ay dadka kowntigaasi ka cabanayaan cudurro ay ka mid yihiin sonkorta, dhiigkarka, cudurka xinjirowga dhiigga, iyo dhiigga oo sare u kaca iyo cudurro kale oo aad u daran, tani oo kaliftay in gavanaaga uu arrintan diiradda saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here