Ha la adeegsado afkaartii Matiba, madaxda dalka oo sidaa loo soo jeedshay

1
34

Aaden M Warsame

Madaxda dalka ayaa waxaa loogu baaqay inay ku dhaganaadaan afkaartii ku salaysneyd dimoqraadiyada ee Kenneth Matiba oo shalay geeriyooday.

Matiba ayaa ahaan jiray muddo dheer siyaasi usoo halgamay nidaamka axsaabta badan ee dalka. Matiba ayaa shalay isbitaal kuyaala caasimada Nairobi ku dhintay kadib markii uu xanuunsanaa intii muddo ah.Matiba ayaa lagu xasuustaa inuu ahaa siyaasi geesi ah oo dadaal badnaa.

Siyaasiga ayaa la sheegay inuu jiray 85 markii shalay uu go’ay. Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madax kale oo badan ayaa tacsi u diray ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay siyaasigaasi ahaa ruug caddaaga.

Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay in ninkaasi uu ahaa siyaasi Kenyan ah oo ka dhabeyn jiray waxyaabaha uu aaminsan yahay. Sidoo kale ayaa la sheegay inuu ahaa muwaadin dhab ah. Madaxweynaha oo ka hadlaayay State House shalay ayaa sidaasi sheegay ayadoo sidoo kale hadalkaasi uu jeedinaayay si toos ah looga sii deynaayay talefishin.

Sidoo kale ayaa waxaa tacsi ceynkaa ah asna diray madaxweyne ku xigeenka dalka William Samoi Ruto. Sidoo kale ayaa waxaa u tacsiyeeyay ehelkii Matiba afhayeenka baarlammaanka iyo waliba hoggaamiye Raila Odinga.

Afkaartiis ayaa waxaa aad ay ugu taxaluqeen isbadalada siyaasada, xorriyatul qawlka iyo afkaarta kala duwan ee looga hortago xaaladaha adag. Sidoo kale kale ayaa lagu ammaanay in intii uu noolaa uu kasbaday asxaab badan walow sidoo kalena afkaartiisa haldoorka ah dartood lagu weeraray oo uu cadaw badan ku kasbaday.

Waxaa uu u doodi jiray Matiba intii uu noolaa shaqo badnida iyo hawlkar in la noqdo wuxuuna guulo badan kasoo hooyay ganacsiga, waxbarashada iyo isboortiga. Waxaa aad looga jeclaa deegaanka Kiharu oo uu xildhibaan u ahaa ama halkaas oo laga soo doortay iyo guud ahaan degmada Murang’a.

Waxaa uu saamayn wanaagsan ku yeeshay nolosha dad badan wuxuuna adeegsaday hoggaan noociisa ah oo aad wanaagsan ama ahaa fariid.

1 COMMENT

  1. RETSPRO scams may be listed on line, primarily by means of nulled/old copies of our RETS PRO plug-in. There is only one legitimate place to buy our software and that is on our own RETSPRO website.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here