Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Oo khudbad u jeediyey siyasiyiinta gudaha

0
39

By: Burhan Farah Hassan

[RMK]   Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka mudane Aden Barre Duale ayaa ku booriyey siyaasiyiinta gudaha dalka in ay joojiyaan loolanka ay waqtigani u galayaan doorashada dhici doonta sanadka 2022.

Mudane Ducaale ayaa sheegay in siyaasiyiinu ay fursad siiyaan kuwii guusha ay raacday doorashinkii bishii Agoosto 8, 2017 dalka ka dhacay, iyadoo ololayaashii dhacay xilligaasi ay madaxdu sameeyeen balanqaadyo waaweyn.

“Dhammaan dadka gudaha dalka iyo siyaasiyiinta Kenyaanka waa in ay joojiyaan ololyaasha ay ku beegsanayaan doorashada dhici doonta 2022, doorashadaasi dadka qaar ay weli raadinayaan in ay gavanarada boosas hayo lagu bedelo”

“Ma aha waqti siyaaso hadda mana lagu jiro waqtigii la bixinayey howlaha doorashada”

Hogaamiyeyaasha maxaliga ah ayaa uu ka codsaday in ay caawiyaan hogaamiyeyaashii guuleystay sanadkii hore.

Mudane Ducaale ayaa sheegay in maamulka dalku uu kaalmo siin doono dhammaan gavanarada dalka oo dhan si loo xaqiijiyo in ay ololayaashooda qabsadaan waxaana uu u balanqaaday in nolol wanaagsan ay dadka ku dhex yeelan doonaan.

“Haddii aanu hogaamiyeyaal nahay annagu ma dayaceyno waajibaadka na saaran gaar ahaan shariciga dalka iyo xeerarka muhiimka ah tani oo ka caawineysa dadka in ay noloshooda hormar gaarsiiyaan dhammaan dalka oo dhan.” ayaa uu yiri Aadan Barre.

Gavanarada iyo ku xigeenadooda ayaa uu sheegay Aadan Barre in ay heystaan taageero buuxda oo dowladdu la garabtaagan tahay.

Mas’uulka ayaa Khamiistii ka hadlayey baarlamaanka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here