Idaacadii Al-shabaab ee Anduluus Oo la burburiyey

0
10

Taliska dhexe ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in gubi ahaanba dhulka lala simay saldhig idaacadeed Al-shabaab ku lahaayeen Shabeellooyinka.

Jen Cabdullaahi Cali Caanood oo ah abaanduulaha ciidammada milleteriga ayaa sheegay in howlgal ciidamada dowladda ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Shabeellaha Hoose lagu bur buriyay xarumo muhiim u ahaa Al-shabaab.

Jen Canaado ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu burburiyay Idaacad FM ah oo sida uu hadalka u dhigay Al-shabaab u isticmaali jireen dacaayadaha taa oo lagu magacaabo Anduluus.

Waxaa uu intaa ku darray in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gacanta ku dhigeen, kaddibna burburiyeen Labo gaari Qaraxyo siday.

Ciidamada dowaldda ayuu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalka tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo Shabeelaha Hoose.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay weeraro culus ku qaadeen kooxaha mintidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here