Kenya Oo ka soo muuqaneysa dalalka Mareykanku ka taageero dhanka la dagaalanka ganacsiga sharci-darrada ah

0
14

Dalka Kenya ayaa safka la soo galay dalalka Masar iyo Kolombiya ee la siinayo lacag dhan 4.9 bilyan taasi oo ay bixiso dowladda Mareykanku.

Mareykanka ayaa lacagtani u bixiya si loola dagaalamo dembiyada qaaradaa isaga goosha ee ay kamid yihiin gooshinta lacagaha, ka ganacsiga iyo ugaarsiga xayawaanka duur-joogta, gooshinta maandooriyaha iyo isu gooshinta hubka.

Dowladda Mareykanka qeybteeda isla xisaabtanka ee loo soo gaabiyo (GAO) ayaa bishii Diseembar 2017 warbixin ay soo saartay ku sheegtay in aan xog dhab ah laga heynin ama aysan dhameystirneyn xogta dhoofinta ee saddex wadan 3-daasi wadn ayaa uu Mareykanku ku tilmaamay inay kala yihiin Kenya, Egypt and Colombia, 3-da wadan ayaa haatan helaya lacag gaareysa 49 million oo doolar (Sh4.9 billion) taasi oo lagu xakameynayo ganacsiga lagu tilmaamay mid sharci darro ah.

Waxana taakuladaasi dalalkan loo soo marsiinayaa waaxda caalamiga ah ee xoojinta shuruucda caalamiga ah ee la dagaalanka maandooriyaha ee loo soo gaabiyo “Bureau of International Narcotics and Law Enforcement (INL)”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here