Khasaare badan oo soo gaaray beeraleyda kadib diirdiir weerartay beeraha

0
32

Aaden M Warsame

Khasaare badan ayaa soo gaaray beeraleyda dalka iyo dalal jaar ah kadib diirdiir weerartay beerahooda.

Diirdiirta ama dirindiirta oo raxanraxan ah ayaa faro kulul ku heysa beeraha dalka ayadoo ay saamaysay arintaasi dalagii ka baxaayay beerahaas. Masago ama dalag kale oo badan oo ka baxaayay waqooyiga Rift Valley ayaa ka mid ah dalagyada diirdiirtu saamaysay.

Dhankaasi ka tirsan dalka ayaa waxaa ay tahay qebta ay kasoo go’aan badi dalagyada quutul daruuriga ah ee dalka. Khasaare badan ayaa soo gaaray dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan qeybtaasi dalka ka tirsan.

Amuurtaa ayaa soo shaac baxday ayadoo dhawaan dhibkaa ay ka digtay hayada horumarka dibada u qaabilsan dalka Mareykanka ee USAid. Waxaa arintaasi sare u qaaday qiimihii ku bixi lahaa abuuridda ama waxsoo saarka beeraha. Sidoo kale ayaa arinkaasi hoos u dhigay wax soo saarka beeraha.

Degmooyin dhowr ah oo dalka ah ayaa ay arintaasi saamaysay. Haatanse waxaa dadaal dheer loogu jiraa sidii loo xadidi lahaa weerarka ba’an ee raxamo diirdiir ah ay ku soo qaaday beeraha dalka ayadoo laga yaabo in raashin yari ay keento hadii aanan laga hortagin.

Weerarka dirindiirta ayaa saameeyay beero badan oo ku yaala Trans Nzoia, Nandi, Uasin Gishu, Kericho, Nyamira, Bungoma, iyo Busia-dhammaan degmooyinkaas. Dhanka kale waxaa diirdiirtu weerartay beero badan oo kuyaala dalalka jaarka ah ee Uganda iyo Tanzania.

Waxaa haatan lagu soo waramayaa durba in ku dhawaad 20% oo ka tirsanayd 2 milyan oo jawaan oo raashin ah gaar ahaan galley inay sidaasi ku baaba’day. Galleyda ayaa ah quutul daruuriga dad badan ay cunaan maalin waliba dalka gudihiisa.

Ugali oo ah soor laga sameeyay galley ayaa ah cuntada dad badan ay aad ugu tiirsan yihiin oo ay nolol maalmeedka u isticmaalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here