Kowntiga Kakamega oo laga dhisi doono maxkamad heerkeedu sareeyo

0
34

Iyadoo dib u balaarin lagu sameeyay maxkamadaha guud ahaan dalka ayaa xaakinka maxkamada sare ee dalka David Maraga waxaa uu subaxnimadii Isniinta dhagax dhigay aasaaska maxkamad la jaanqaadeysa heerarka caalami taasi oo laga dhisayo kowntiga Kakamega.

Maxkamadda ayaa waxaa ay yeelaneysaa 8 qol iyo hoolalka shirarka ah iyo adeegyo kale oo fara badan.

Daarta maxkamadda aya waxaa ku bixi doonta 388 milyan waana maxkamadii 3-aad ee uu xariga ka jaro garsooraha ugu sareeya dalka David Maraga sanadkan oo keliya.

2 todobaad ka hor waxa uu dhagax dhigay daaraha maxkamadaha Kwale iyo Mombasa kuwaasi oo ay ku kici doonto qiime dhan 834 milyan.

Daarta maxkamadda Kakamega ayaa waxaa dhismaheeda gacan ka geystay Bankiga adduunka qeybtiisa mashruuca qiimeeynta nidaamka sharuucda iyo xaqiijinta.

Intii dhagax dhiggu socday waxaa halkaasi ka hadlay gavanaga Kakamega Wycliffe Oparanya kaasi oo sheegay in dhismahaani uu kaalmo ka geystay xornimo ahaanshaha sharci-dejinta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here