Macallimiinta Jaamacadaha Oo shaqo ka fariisi sameynaya kharash la’aan awgeed

0
19

Macallimiinta wax ka dhiga Jaamacadaha gaar ahaan 7 iskuul oo laga dhigto caafimaadka ayaa qalabkooda qaadan doona wixii ka bilowda maalinta berito.

Waxa ay sheegeen in dowladdu aysan bixinin mushaharkooda oo dhan 788 milyan laga soo bilaabo bishii Janaayo sanadii tagtay.

Macallimiinta ayaa tiradoodu dhan tahay macallin jaamacadeed waxaana ay dalbanayaan in la siiyo kharashaadka caafimaadka iyo tan xaaladaha deg degga ah ee soo wajaha taasi oo la siiyo macallimiinta caafimaadka iyo dhaqaatiirta.

Dhakhaatiirta Caafimaadka Kenya, iyo midowga Farmashiyeyaasha iyo dantiistaha ayaa sheegay in ay kulan la qaateen Guddiga wadatashiga jaamacada isku dhafka ah asbuucii tegay si loo xaliyo muranka.

Xoghayaha guud ee ururka KMPDU Ouma Oluga in loo balanqaaday in la xaliyo arrinta.

Balse shaqo joojinta ayaa la filayaa inay ka dhacdo 7 iskuul oo caafimaadka laga barto waxaana ku jira iskuulka caafimaadka ee ku yaal gudaha isbitaalka weyn ee Kenyatta National Hospital kaasi oo si weyn ugu tiirsan arday aqoonyahanno oo uga yimaada dhanka Jaamacadda Nairobi.

Mcaahidda kale ee arrintani ay saameynta ku yeelan doonto waxaa ka mid ah iskuulka caafimaadka ee Eldoret’s Moi Teaching and Referral Hospital, isbitaalka guiud ee gobolka xeebta Coast General Hospital, Cusbitaalka guud ee Rift Valley, iyo isbitaalka Jaramogi Oginga Odinga Teaching and Referral hospital ee ku yaal magaalada Kisumu iyo isbitaalka Kiambu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here