Madax badan oo ka tirsanaa IEBC oo iscasilay

0
45

Aaden M Warsame

Waxaa mar dhow iscasilay haweeneydii ahayd ku xigeenka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee IEBC Consolata Maina iyo madax kale oo guddigaas ka tirsanaa.

Madaxda kale ee iscasilay saaka waxaa ku jira Paul Kurgat iyo  Margaret Mwachanya. Consolata ayaa sidoo kale waxay leedahay magacyo kale sida Connie Nkatha.

Waxay sheegeen inay ka aamin baxeen ama kalsooni innaba aysan ku qabin guddomiyeha IEBC Wafula Chebukati. Guddiga ayaa muran iyo khilaaf ay hareeyeen laga soo bilaabo doorashadii bishii Agoosto ee kal hore.

Guddiga ayaa sheegay in farogalin dibada ay uga imaaneyso. Waxaa xubnaha guddigaas ee maanta iscasilay ay sheegeen in khilaafka la xallin waayay ama la xasilin waayay waxa u dhexeeya oo khilaaf ah xubnaha sare ee guddigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here