Madaxweynaha dalka Oo Isniinta u kicitimi doona dalka Ingiriiska

0
21

By: Burhan Farah Hassan

[RMK]    Madaxweynaha dalka ayaa u kicitimaya dalka Ingiriiska. M/weyne Uhuru Kenyatta ayaa qorsheynaya in uu wanaajiyo aragtida Kenya ee caalamka isaga oo ka hadli doona fursadaha dalka ka jira dhanka maalgashiga iyo ganacsiga. Safarka madaxweynaha ayaa qaadan doona asbuuca soo socda.

Uhuru ayaa inta uu ku guda jiro safarkiisa, oo bilaabanaya Isniinta, waxa uu il gaar ah ku eegi doonaa xoojinta iskaashiga ganacsiga iyo isku dhafidda maalgashiyada kala duwan ee ka dhexeeya wadammada Kenya, Ingiriiska iyo dalalka Barwaaqo Sooranka.

Afhayeenka aqalka madaxtooyada dalka Manoah Esipisu ayaa sheegay in m/weyne Uhuru Kenyatta uu “si aad u qoto dheer u doonayo” in uu kor u qaado xayeysiiyona Kenya in ay tahay meel aad ugu fiican in la maalgashado isla markaasina suuq laga sameysto. Madaxweynaha ayaa hadalkaasi sheegi doona inta uu joogo shir weyn oo ay isugu imaan doonaan 53 madaxweyne oo ka kala socda dalalka Barwaaqo Sooranka ah ee caalamka.

“Maalinimada Talaadada, m/weynaha ayaa booqan doona xarunta weyn ee ganacsiga iyo lacag kala bedelashada ‘London Stock Exchange’ halkaasi oo uu kulan kula yeelan doono maalgashadeyaal, isagoo isticmaalaya kulankaasina waxaa ay fekrado isdhaafsan doonaan madax caalami ah oo soo siyaadin karta fursado maalgashi marka loo eego ajendaha ‘4-Tiir ee dowladiisu u balanqaaday shacabka dalka” ayaa uu sheegay afhayeen Esipisu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here