Mareykanka oo mar kale digniin u diray Suuriya

1
29

Aaden M Warsame

Dawlada Mareykanka ayaa mar kale digniin u dirtay dawlada Bashar Al-Asad ee Suuriya ayada oo sheegtay in duqeyn kale ay la beegsan doonto hadii aysan deyn adeegsiga hubka sunta ah.

Sunta ayaa lagu eedeeyay dawlada Bashar Al-Asad inay dhawaan ku dishay tobanaan qof oo rayid ah sheegashadaas oo ay dawlada Asad ay gaashaanka u daruurtay iskana fogeysay. Nikki Haley oo ah safiirada u fadhida xarunta QM ee New York isla dawlada Mareykanka ayaa digniinta soo saadhay.

Waxay sheegtay in gantaalo cusub dawlada Mareykanku ay ku garaaci doonto Suuriya gaar ahaan fariisimaha dawlada Asad hadii mar kale dawlada Asad ay sun ku disho shacabkeeda, waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Waxay u waramaysay talefishinka Mareykanka ku yaala ee Fox News xalay. Mareykanka ayaa maalmo ka hor garaacay qeybo ka tirsan dalka Suuriya.

Dhanka kale, dawlada Ruushka ayaa ka digtay in duqeymaha Mareykanka ee Suuriya ay keeni doonaan rabshad ama qalalaase ka dhaca oo ku baaha caalamka.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here