Maxkamadda caalamiga ah ee Cadaaladda Oo Isha ku heysa dacwadda xaduudka baddaha ee Kenya iyo Soomaaliya

0
15

Maxkamadda caalamiga ah ee Cadaaladda ‘The International Court of Justice’ ayaa ogolaanshiyo siisay dalkaasi Soomaaliya in uu diiwaangelin ku sameeyo kiiska kaga aadan dacwadda badweynta ee kala dhaxeysa wadankan Kenya.
Tillaabadan ayaa bilaabeysa muran dheer oo ka dhex bilaaban doona maxkamadda cadaaladda ee caalamiga ah.

Maxkamadda ayaa maalintii Isniinta shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ka jawaabto sheegashada Kenya ee xilligan ka jirta dhanka badweynta waxaana Soomaalida fursadaasi ay ugu egtahay bisha Juun 18-keeda iyado oo intaa kadib Kenya la siin doono 6 bilood oo ay jawaabaheeda ku soo bandhigto.

War qoraal ah oo maxkamaddu soo saartay ayaa lagu sheegay in maxkamaddu ay joogto waqtigii ay go’aanka qaadan laheyd, isla markaana ay eegi laheyn fekerka dhinacyada iska soo horjeeda ama duruuftu kala dhex taallo. Waana la diyaariyey dhegaysiga dacwadda ayaa lagu yiri bayaankani oo ka soo baxay waaxda diiwaangelinta maxkamadda cadaalada caalamiga ah.

Kenya ayaa bisha Febraayo 2-deedii sanadkani waxa garsoore Ronny Abraham uu aqbalay in ay diiwaangashato wareegga labaad ee dacwada, tani oo Nairobi muddo diyaarineysay, isla markaana waxa ay noqoneysaa fursad kale oo loo bilaabi karo in arrinta laga doodo.

Sanadkii 2009-kii labada wadan waxa ay dekumentiga isfahamka dhigeen qaramada midoobey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here