Maxkamadda Oo daaqada ka tuurtay kiis ka dhan ahaa Gavanaaga Nairobi

0
201

By: Burhan Farah Hassan

[RMK]    Maxkamadda Rafcaanka ayaa daaqadda ka tuurtay kiis lagu baadigoobayey in dacwad laga keeno doorashadii la doortay gavanaaga kowntiga Nairobi Mike Sonko.

Garsoorayaasha kala ah Roselyn Nambuye, Gatembu Kairu iyo Kathurima M’Inoti ayaa ku waafaqay xaakinka maxkamadda sare ee dalka Mbogholi Msagha in uu si sax ah u kansalay kiiskii laga keeni lahaa gavanaaga sababo la xiriirta dadka dacwadda watey oo kala ahaa Japhet Muroko iyo Zachaeus Okoth, kuwaasi oo iyagu maxkamaddu sheegtay in ay ka baxeen kiiska dabagalkiisa.

Garsoorayaasha ayaase intaasi kadib xukumay in maxkamaddu ay tahay mid awood leh weli isla markaasina garsooraha uu leeyahay in uu go’aamiyo arrinta balse kiiska uu la yimid duruufo u gaar ah.
Waxa ay sheegeen in maadaama uusan kiiska cadeyn heynin, ay maxkamaddu xukumeyso in aan doorashadii gavanaha wax dacwad ah ka oolin maxkamadda.

Sidaasina daaqadda looga tuuray.

Gavanaa Mike Sonko ayaa haatan ah nin dacwadaasi ka badbaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here