MCA-yada Mombasa Oo la faray in ay iska bixiyaan Deymaha lagu leeyahay

0
31

Tiro ka mid ah wakiilada gobolka xeebta ayaa ku guuldareystay in ay difaacaan kuraastooda iyaga oo aan weli soo cadeynin lacagihii deymaha ahaa ee ay dowladda ka amaahdeen.

Magaalada Mombasa, ugu yaraan 15 ka tirsan MCA-yada ayaan soo cadeynin qarashaad dhan 5 milyan.

“Waxaanu u dirnay waraaqo kuwa aan weli soo cadeynin deymaha lagu leeyahay waxaana ay ishortaageen in ay dhiibaan qarashaadka,” sidaasi waxaa sheegay afhayeenka golaha Salim Juma said.

Kowntiga Lamu, dhammaantood 20-ka MCA ee golaha u soo shaqeeyay ayaa waxa ay celiyeen qalabkii ay ka heleen dowladda.

Dhanka kowntiga Kwale, MCA-yada waa ay bixiyeen deymihii baabuurta iyo guryaha ee lagu lahaa 2-dii bilood ee ugu dambeysay ka hor doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here