Qof ugaarsan jiray xayawaanaatka duur joogta ah oo libaaxyo cuneen, Koofur Afrika

0
32

Aaden M Warsame

[RMK]: Qof ugaarsan jiray xayawaanaatka duur joogta ah ayaa libaaxyo ku cuneen kenyta xayawaanaatku ku nool yihiin ee Kruger National Park ee dalka Koofur Afrika.

Booliska dalkaasi ayaa sheegay in koox libaaxyo ah ay cuneen qofkaas waxyarna jirkiisii ay kasoo reebeen. Booliska ayaa maanta sheegay in Sebtidii doraad ahayd lasoo helay haraadiga jirkii qofkaas libaaxyadu sida ba’an u cuneen.

Kruger National Park ayaa dhacda gobolka Limpopo gaar ahaan deegaanka Hoedspruit, halkaasoo xayawaano badan dad u ugaarsada xayawaanaatka maqaarkooda iyo waxyaabo kale ay ku laayeen sanadihii lasoo dhaafay.

‘Waxay u muuqataa inuu xayawaanaat ugaarsanaayay markii libaaxyadu dileen beerta dhexdeeda’. Sidaasi waxaa yiri booliska dalkaas afhayeen u hadlay.

Qori ayaa laga soo ag helay meydka-hilbaha qofkaasi ee soo haray Sebtidii. Booliska ayaa iminka isku dayaya inay aqoonsadaan qofkaasi qofkuu ahaa.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2017 ayaa waxaa lasoo helay meydadka libaaxyo laga goostay madaxyada iyo cidiyaha, waxaana laga soo helay isla Kruger National Park.

Libaaxyada ayaa qeybo jirkooda ka tirsan waxaa loo isticmaalaa sidii mudaawaat lagu dabiibo cudurada qaar caalamka.

Sidoo kale ayaa wiyisha jirkeeda qeybo ka tirsan sida foolkeeda waxaa loo isticmaalaa mudaawaat Shiinaha, Vietnam iyo dalal kale oo Asia ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here