Ruushka oo baaraya shil diyaaradeed oo 71 qofi ku dhinteen

0
22

Aaden M Warsame

[RMK]: Dawlada Ruushka ayaa wada baaritaan ku saabsan sababtii ay u dhacday diyaarad asbuucaan dhacday oo 71 qofi ku dhinteen.

Baareyaal ayaa shalay bilaabay baaritaanka sanduuqa madow ee diyaarada ee keydsha sababta diyaaraduhu u dhacaan/wixii ku yimaada.

Diyaaradaa ayaa laga lahaa dalka Ruushka waxayna ahayd diyaarad xamuul ah. Diyaarada ayaa maalmo ka hor ku dhacday meel u dhow Moscow oo ah caasimada Ruushka.

Diyaarada ayaa dhacday daqiiqado kadib markii ay duushay. Sanduuqa madow ayaa khubaro sheegeen in shalay goobtii diyaaradu ku dhacday laga soo helay.

Waxay sidoo kale sheegeen in ilaa 400 oo cadad oo diyaarada qeyb ka ahaa qolofkeeda sidoo kale halkaa laga soo helay.

Shilkaas ayaa ah kii diyaaradeed ee ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca laga soo bilaabo sanadkii 2016.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here