Sakaariisha waaxda dekadaha dalka oo ka soo hormuuqan doona baarlamaanka

0
35

Guddiga baarlamaaniga ee maalgashiga ayaa lagu wadaa in isniintan maanta ah ay u yeeraan saraakiisha maamulka waaxda dekedaha dalka si su’aalo looga weydiyo eedaha laxiriira inay si khaldan loo isticmaalay lacagaha dadweynaha ee waxda dekedaha dalka.

Guddoomiyaha guddiga baarlamaaniga arrimaha maalgashiga Cabdulsamad Naasir ayaa waxaa uu sheegay in ay doonayan inay wax ka ogadaan waaxda dekadaha dalka ee KAA eedaha loo jeediyay ee ku aadan in laantani ay si khaldan wax u maaraysay lacagihii loo qoondeyay iyadoo aan laraacin sharciga, marka ay timaado isla xisaabtamid dhab ah iyo huftaan shaqo.

Xildhibaanka Mvita cabdulsamad ayaa sheegay in guddiga baarlamaaniga ee arrimmaha maalgashiga ay hoowshiisu tahay in ay la socdaan in lacagaha dadweynaha sidii loogu talo galay loogu adeegsado mashaaricda ay dawladda fullinayso.

Guddiga baarlamaaniga ee PIC ayaa dib u eegis kusameeya isticmaalka hantida lagu hergelinaayo hoowlaha dawladda iyadoo la eegayo xeerka maaliyadda iyo maaraynta lacagaha dadweynaha iyo xeerka iibsiga.

Arintan ayaa imanaysa xili Guddiga baarlaamaniga ah ee arrimaha maalgashiga warbixinno uu soo gudbiyay hanti dhoowraha guud ee dalka Edward Auko kaaso su’aal geliyay isticmaalka maaliyadda ee waaxda dekedaha dalka oo la sheegay in lacago balaayin ah ay ku lumiyeen khandarasyo iyo heshisyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here