Sarkaalkii Labaad Oo Iska casilay xil uu ka hayey Aqalka Cad

0
12

Xubin kale oo sare oo ka tirsan aqalka cad ayaa isucasilay eedeeymo la xiriiray tacadiyo uu u gaystay xaaskiisii hore.

David Sorensen,oo ah nin khudbadaha qora ayaa beeniyay eedeeymaha ay u soo jeedisay xaaskiisii hore.

Waxa uu sheegay in uusan doonayn in uu caqabad ku noqdo maamulka madaxwayne Trump ,taasina ay tahay sabababta uu isu casilay.

Arrintan waxay bilaabatay todobaadkan ka dib markii ay so baxeen warar ku saabsan in xoghayaha shaqaalaha aqalka cad Rob Porter uu tacadiyo u gaystay labadiisa xaas.

Markii hore aqalka cad ayaa difaacay balse markii dambe isbadalay ka dib markii haweenay ay soo saartay sawir .

Mr. Porter ayaa is-casilay inkastoo uu diiday eedeeymaha.

Balse madaxwayne Trump ayaa fadeexadan ka dhigay mid sii jirta ka dib markii uu amaanay Mr Porter isaga oo aan cambaarayn ficilkiisa.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in uu shaqa wanaagsan qabtay balse uu uu wanaag u rajaynayo mar walba.

Mr Trump ma uusan carab baabin labadan haween ee eedeeynta soo jeediyay taasi oo ay dad badan ka caroodeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here