Shacabka Burundi oo cambaareeyay QM

0
41

Aaden M Warsame

[RMK]: Shacabka dalka Burundi ayaa cambaareeyay QM gaar ahaan xog-hayaha guud ee QM bacdamaa ay qoonsadeen kana dibad baxeen hadalo kasoo yeeray oo lidi ku ah dalkaas.

Kumanaan kun oo shacabka dalkaas ka mid ah ayaa Sebtidii lasoo dhaafay dibad bax dhigay kaasoo ay ku cambaareeyeen madaxa QM Antonio Guterres. Waxaa uu dhawaan ka hadlay isla markaana dhalliilay inaysan xaq ahayn in dastuurka dalkaas lagu sameeyo wax ka baddalid si loogu saamaxo madaxweynaha dalkaa President Pierre Nkurunziza inuu mar kale ama marar kale u tartamo xilka madaxweyne.

Dadkaa ayaa mudaaharaadka ka dhigay caasimada dalkaas ee Bujumbura, waxaana hormuud ka ahaa dibadbaxa duqa magaaladaasi. Dadkaas ayaa sheegay in dalka Burundi amni ka jiro iminka taasoo liddi ku ah hadalka QM oo ah in amni darro iminka dalkaasi ay ka jidho.

Sanadkii 2015 mar kale ayuu isu sharraxay oo loo doortay madaxweynenimo madaxweynaha dalkaasi rabsho ka dhalatay arinkaas ayaana dadi ku dhintay dadina ku dhaawacmay in kalena ku barokaceen.

Ilaa boqolaal kun ayaa QM sheegtay inay ku baro kaceen rabshadaas oo ay galeen ama u qaxeen dalka Tanzania iyo dalal kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here