Shaqaale kamid ahaa shirkadda KQ oo lagu qabtay Hindia isagoo si sharci daro uga ganacsanayay dahabka

0
25

Shaqaale katirsanaa shirkadda qaran ee diyaaradaha ee KQ ayaa lagu qabtay Magaalada Mumbai ee dalka India xili uu si sharci daro ah ugu ganacsanayay dahabka.

Ninkani ayaa waxaa lagu helay dahab culeyskiisu yahay 23kg islamarkaana qiima ahaan lagu qiyaasay 100 milyan oo shilinka dalka.

Ciidamada booliska Mumbai ayaa gacanta ku dhigay Abdalla Said isagoo dahabkaasi ku qarinayay suunkiisa iyo jeebab uu ka sameeyay jilbihiisa.

Said oo 29 sano jir ah ayaa la qabtay talaadada maanta xili uu doonayay inuu kireto mid kamid ah hoteelada Mumbai gaar ahaan meel u dhow goroonka diyaaradaha.

Eedeysanahaasi ayaa waxaa lala qabtay qof kale oo ay howshaasi isla wadeen oo lagu magacaabo Ibrahim Hussein kaaso u tagay hoteelka si uu sii qaato dahabkaasi.

Said Abdalla ayaa ka tagay Magaalada-tan Nairobi.

Si kastaba ha ahaate ciidamada booliska india ayaa waxay sheegen in howlgalka ay kusoo qabteen eedeysanaha uu ahaa mid ugu ballarnaa oo ay abid qabtaan gaar ahaan dadka sida sharci darada uga ganacsada dahabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here