Shirkad sharciga ka shaqeysa oo lala xiriirshay qandaraasyada IEBC

0
25

Aaden M Warsame

Shirkad ka mid ah kuwa qaabilsan amuuraha sharciga ayaa lala xiriishay in ay ku lug yeelatay qandaraasyada guddiga doorashada ee IEBC.

Wafula Chebukati, guddoomiyaha IEBC ayaa lala xiriirshay qandaraas ku saabsan amuuraha sharciga kaasoo muujinaya in dano isku dhaceen arintaasoo u baahan daacadnimo heerkeedu sarreeyo in lagu xallilo. Shirkadaasi iyana lala xiriirshay qandaraaskaasi keenay in ay danuhu isku dhacaan ayaa waxaa lagu magacaabaaCootow and Associates.

Shirkadaasi ayaa la sheegayaa in qofka aasaasay uu yahay Mr Chebukati qudhiisa bishii labaad ee sanadkii 2006. Taasi arin xun maahan laakiin waxaa muran uu ka taagan yahay in ay matashay IEBC, ugu yaraan lix dacwadood oo ku saabsan doorashooyin laisku qabsaday-macnaha amuuro ku saabsan jagooyin doorashooyin loo galay oo laisku qabsaday.

Waxaa deegaanada jagooyinkaasi doorashooyinkooda lagu qabtay ku jira Likoni, Ikolomani iyo waqooyiga Kilifi. Doorashooyinkii lagu soo xulan lahaa wakiilada haweenka ee Mombasa iyo Kilifi weeye iyo weliba booska barasaabka degmada Migori.

Khaladka dhacay ayaa ah in Mr Chebukati ay shirkadiisu hadana matasho IEBC asaga oo ka ah IEBC guddoomiyaha ama madaxa guddigaas. Waxaa sidoo kale arinkaasi lala xiriirinayaa musuq uu hormuud ka yahay Chebukati.

Arinkaasi ayaa soo shaacbaxaya iminka ayadoo xurgufi ay u dhexeyso Chebukati iyo madaxa fulinta ee IEBC Mr Ezra Chiloba, kaasoo fasax qasab ah oo loo diray asbuucii tagay uu muran xooggan ka dhashay.

Chebukati qudhiisa ayaa dacwado noocaas ah farta ku goday kuwaasoo lala xiriirinaayo Chiloba. Waxaa ay ku saabsan yihiin ilaa shan qorshe oo ganacsiyo la xiriira ayadoo ay u muuqato in iminka labada nin mid kasta kan kale wixii dambi ah oo uu galay uu usoo bandhigayo warbaahinta sidaana u fadeexeynaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here