Shirkadda Safaricom Oo bilowday barnaamij Heeso oo loogu talo galay macaamiisha taleefannada

0
25

Safaricom ayaa Isniintii bilowday barnaamij muusik ah oo u sahlaya macmiilka in uu si fudud ku helo ilaa 2 milyan oo heeso ah oo ay kala qaadeen ilaa 400,000 fanaaniin kala duwan.

Application-kani ayaa lagu magabaabaa Songa, waxaana heli kara oo keliya dadka isticmaala taleefanada leh adeegga Android-ka.

Shirkadda ayaa haatan ku bilaabeysa 14 beri oo lacag la’aan ah kadib balse marka la guda galo ama la subscribe gareeyo waxa ay bilaabi doonaan in ay iibiyaan muusikada 25 doolar maalinkiiba, asbuuciina 150 shillin ayaa la iibin doonaa halka bishii soo ridashada uu qiimihiisa noqon doono 499 bishii.

Safaricom ayaa sidoo kale sheegtay in ay heshiis la saxiixatay shirkado caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah iyo shaqsiyaad muusikiisteyaal ah kuwaasi oo ay ku jiraan shirkadda Sony Music Entertainment, iyo koox lagu magacaabo Africori, kooxaha kale ee ay heshiiska la saxiixatay waxaa ka mid ah Ngoma iyo Expedia.

Habka dhageysiga heesaha ee shirkadda Safaricom ee loo yaqaan ‘Skiza’ ayaa ah nidaam ay Safaricom heesaha ku iibin jirtey iyada oo isticmaaleysa habka Skiza sanadii tagtay ayaa shirkaddau waxa ay sheegtay in ay bixisay 1.4 bilyan oo ay kala siisay fanaaniinta heesahoodu ku jireen barnaamijka Skiza.

Safaricom ayaa sidoo kale waxa ay qorsheyneysaa inay qaado tillaabooyin lagu helayo adeegyadii hore ee muusikada kaasi oo ay dib u soo celin doonto waxaana ka mid ah qaabkii hore loo isticmaali jirey ee loo yaqaan ‘Mdundo’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here