Tacsida loo dirayo eheladii uu ka baxay Kenneth Matiba oo isa soo tareysa

0
32

Waxaa isa soo taraysa tacsida loo dirayo ehelada, qaraabada iyo dhamaan Kenyan-ka oo uu ka baxay Kenneth Matiba kaasoo xalay fidkii ku geeriyooday isbitaalka Karen ee Nairobi.

Matiba oo ahaa siyaasi ruug caadaa ahaa ayaa waxaa uu kamid ahaa hoggaamiyeyaashii u soo halgamay waxa loogu yeero xorriyadii labaad oo ah sidii loo heli lahaa xisbiyo badan xiligii dalka hal xisbi oo kali ah uu katalinayay sagaashameeyadii ee ahaa KANU.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa kamid ah mas’uuliyiinta ka tacsiyeeyay geerida Matiba waxaa uuna Matiba kutilmaamay hoggaamiye howlkar ahaa islamarkaana wadaninimo ay kujirtay.

Kenyatta oo xalay khudbad kooban ka jeediyay aqalka madaxtooyada ayaa sheegay in loo baahan yahay in lagu daydo Matiba gaar ahaan sida uu uga qeyb qaatay in la helo Kenya oo hal ah lehna axsaab badan oo siyaasadeed.

Hoggaamiyeyaasha kale ee ka tacsiyeeyay geerida Kenneth Matiba waxaa kamid ah ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga oo kumaqan dalka Koonfur Afrika iyo madaxweyne kuxigeenka dalka William Ruto.

Odinga ayaa sheegay in Matiba uu ahaa qof uu lasoo shaqeeyay islamarkaana qeyb libaax kasoo qaatay sidii dalka uu uga bixi lahaa in hal xisbi oo kali ah uu dalka ka taliyo.

Kenneth Matiba ayaa waxaa uu horey ugu tartamay xilka madaxweynenimada isaga oo kula loolamay m/weynihii hore Daniel Arap Moi, hase yeeshee uusan ku guuleysanin.

Miiska Wararka ee Idaacada Radio Midnimo Kenya
Tafatiraadii Aaden M Warsame

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here