Uhuru oo kuwajahan Ingiriiska

0
19

Aaden M Warsame

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa kusii wajahan dalka Ingiriiska oo uu kutagaayo booqasho dhowr maalmood ah.

Waxaa lagu wadaa inuu shirar la yeesho boqorada dalkaas inta uu dalkaa joogo. Sidoo kale ayaa uu la kulmi doonaa haweeneyda raisul wasaaraha ka ah dalkaas Theresa May. Sidoo kale ayaa uu halkaasi kula shiri doonaa madax kale oo kasocda dalalka barwaaqo sooranka.

Sidoo kale ayaa inta uu madaxweynuhu dalkaasi joogo wuxuu la kulmi doonaa Kenyanka qurbaha ee kunool dalkaas.Wuxuu khudbad ka jeedin doonaa Chatham House. Waxaa uu kala hadli doonaa madaxda uu la kulmi doono ugana warami doono horumarka Kenya.

Dhaqaalaha iyo kobociisa ayaa uu uga xogwarami doonaa. Sidoo kale ayaa ay niqaashi doonaan dawrka muhiimka ah ee dawlada Kenya ay ku leedahay taagerida nabada mandaqada bariga Afrika.

Waxyaabaha aad diirada wada hadalada ay ugu saari doonaan ayaa waxaa kujira ganacsiga, maalgashiga, ammaanka iyo xiriirada kala dhexeeya Kenya dalalka kale gaar ahaan Ingiriiska.

Madaxweyne Uhuru ayaa lagu wadaa inuu booqdo suuqa saamiyada ee London Salaasada halkaas oo maalgaliyeyaal uu kula qaadan doono kulan ayagoo waliba ka wada hadli doona fursadaha maalgashi ee Kenya ka jira iyo qorsheyaashiisa afarta ah ee waaweyn.

Waxaa sidoo kale ay isla soo qaadi doonaan shirweynaha caalamiga ah ee kafaaiideysiga kheyraatka badda oo Kenya sanadkaan lagu qaban doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here