Waaxda Wadooyinka Dalka Oo xirtay wadada isku xirta Gaarisa iyo Bura

0
28

By: Burhan Farah Hassan

[RMK]    Maamulka wadooyinka Qaranka ayaa xiray wadada isku xirta Garissa-Bura kadib markii halkaasi ay ku soo furmeen daadad waaweyn oo waxyeello burbur ah gaarsiiyey qeybaha wadadaasi.

Tani ayaa imaaneysa kadib markii 4 beri ka hor ay qof haweeney ahi ay ku geeriyootey halkaasi xilli ay wadada goyneysay qeybta daadku ku soo rogmanayey oo u dhow wadada Bilbil.

Isaga oo la hadlayey saxaafadda Sabtidii xilli uu kormeerayey waxa uu agaasimaha dayactirka u qaabilsan waaxda Kenha uu sheegay in wadadu xirnaaneyso ilaa iyo inta roobabku ka yaraanayaan “Waxaanu uga digeynaa shacabka in ay ku dhex socdaan biyaha iyaga oo isku dayaya in ay daadadka xoog ku dhex maraan” sidaa waxaa sheegay Katitu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here