Wadahadalo u bilowday Soomaaliya iyo Imaaraatka

0
24

Aaden M Warsame

Axmed Ciise Cawad, wasiirka amuuraha dibada ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in wadahadal toos ah uu u bilowday dawladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta oo in dhawaale iskhilaafsanaa.

Wasiirka ayaa ka mid ah wafdiga Soomaaliya kasocda ee Sacuudiga u jooga shirka Jaamacada Carabta waxaa uuna sheegay in wafuuda dalalkaas ay wadahadalo bilaabeen. “Waxaa socda wadahadalo u dhexeeya dawlada Soomaaliyeed iyo madaxda Imaaraatka’. Sidaasi ayaa uu yiri asagoo wasiirku la hadlaayay warbaahinta.

Dhanka kale, Dawlada Imaaraatka Carabta ee UAE ayaa go’aansatay inay joojiso gebi ahaanba tababarada ciidamada Soomaaliya ay siiso.

Warkaasi ayaa soo shaac baxaya ayadoo labo maalmood ka hor ciidamo tababar u fidin jiray ciidamada Puntland ay shadaaftoodii ka qaateen Puntland. Waxaa ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Wakaalada wararka ee WAM ee UAE ayaa waxaa ay sheegtay in joojinta tababarada ay la xiriirto in dhawaan lacago mushaar ahaan ay usiin lahayd ciidamada ay tababarto dawlada Imaaraatka in lagu qabtay oo dawlada Soomaaliya ay ku qabatay garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Muqdisho. Dawlada dalkaasi UAE ayaa tababarada ciidamada Soomaaliya soo bilowday sanadkii 2014 ilaa iyo haatana waday ilaa dhawaan maalmo ka hor ay joojisay.

Ciidamada ay tababarka u fidin jirtay ayaa waxaa ka mid ah ama ku jiray ciidamada badda ee maamulka Puntland oo ka tirsan Soomaaliya iyo ciidamo kale oo joogay Muqdisho oo dhawaan dawlada Soomaaliya ay sheegtay inay la wareegtay ayna ku dareyso qeybaha kala duwan ee ciidanka qalabka sida ee dalka Soomaaliya.

‘Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay inay joojinayso dhammaan tababaradii militari ee ay ka waday Soomaaliya oo soo bilowday 2014 kuna saabsanaa dhisida awooda ciidamada Soomaaliya oo dagaal kula jira xarakada al-Shabaab’. Sidaasi ayaa ay sheegtay WAM.

Arintaa ayaa laga yaabaa inay salka ku heyso khilaaf ku saabsan dekeda Berbera oo lasheegay in maamulkeeda dhawaan lagu wareejiyay shirkada DP World ee Dubai ama UAE laga leeyahay iyo waliba khilaafka u dhexeeya dawladaha Khaliijka oo Soomaaliya lugaha lasoo galay in dhawaale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here