WAR DEG DEG AH: Siyaasigii Ruug Cadaaga Kenneth Matiba Oo geeriyooday

0
42

By: Burhan Farah Hassan 

Waxaa saacadihii la soo dhaafay geeriyooday siyaasigii ruug cadaaga ahaa Kenneth Matiba.

Oday Matiba ayaa maanta oo Axad aheyd taariikhduna tahay bisha Abriil 15-keeda waxa uu geeriyooday isbitaalka Karen Hospital ee magaaladan Nairobi halkaasi oo uu muddo ku xanuunsanaa.

Keneth Mathiba ayaa lagu xasuustaa halgankiisii siyaasadda xisbiyada badan sanadihii 90-meeyadii, waxaana uu horey ugu tartamay xilka madaxweynenimada isaga oo kula loolamay m/weynihii hore Daniel Arab Moi, hase yeeshee uusan ku guuleysanin.

Waxaa uu ku geeriyooday da’da 85.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here