War murtiyeed kasoo baxay shirka Jaamacada Carabta ee Sacuudiga

1
26

Aaden M Warsame

War murtiyeed ayaa laga soo saaray shirweynaha jaamacada Carabta ee dalka Sacuudiga.

Shirkaas ayaa ah kii 29aad ee noociisa ah. War murtiyeedka ayaa dhowr qodob ka koobnaa. Waxaa qodobada ka mid ah in Jaamacada Carabtu sii wadi doonto taageerada ay siiso dalka Soomaaliya oo ah dal xubin muhiim ah ka ah Jaamacada Carabta balse dhibaatooyin badan oo laga dhaxlay dagaal sokeeye ay hareeyeen.

Waxaa war murtiyeedka lagu xusay in Soomaaliya laga taageeri doono dhanka horumarinta ammaanka iyo xasilloonida. Sidoo kale ayaa waxaa ku xusan sidii loo taageeri lahaa dalalka kale ee jaamacadaas ee dhibaatooyinku ka jiraan sida Libya iyo Yemen iyo waliba Suuriya.

In la taageeri doono qadiyada Falastiin ayaa sidoo kale lagu xusay warmurtiyeedka. In xubnaha jaamacada Carabta ay isku duubnaadaan in loo baahan yahay ayaa lagu xusay. Dal kasta in madax bannaanidiisa la ixtiraamo ayaa lagu xusay in loo baahan yahay.

In Soomaaliya laga taageero in ay suuqyo badan uga hesho badeecadaheeda iyo wax soo saarkeeda dunida Carabta ayaa ku xusan war murtiyeedka. Sidoo kale in deymaha dalalka hodanka ah ee jaamacada Carabtu ku leeyihiin kuwa yara saboolka ah la cafiyo ayaa sidoo kale lagu xusay war murtiyeedka.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here