DHAGEYSO:Wasiiradda Caafimaadka dalka Oo u kicitimaysa dalka Cuba

0
29

By: Burhan Farah Hassan

[RMK]    Wasiirada Caafimaadka dalka Sicily Kariuki ayaa lagu wadaa in ay maalmaha inagu soo aadan u safarto dalka Cuba, halkaas oo ay kula kulmi doonto saraakiisha caafimaadka ee dalkaasii.

Afhayeenka aqalka Madaxtooyada ee dalka Manoah Esipisu ayaa maanta shaaciyay in Ms Kariuki ay dooneyso in ay saraakiisha caafimaadka ee dalkaasii ay soo kala saxiixdaan heshiisyada dhanka caafimaadka ee wali qabyada ah.

Esipisu ayaa sheegay in dhaqaatiirta Cuba ee 100-ka ah sidoo kale la rajeynayo in ay dalka yimaadaan si kenyaanka ay ugu fidiyaan adeegyada caafimaad oo ay u baahanyihiin.

Afhayenka Madaxtooyada dalka ayaa sheegay in dowlada Cuba ay kala heshiiyeen sidii looga hortagi lahaa Cudurka Duumada ama malariyaha oo saamaynta ku yeeshay shacabka tirada badan ee ku nool wadanka.

Dowlada Cuba ayuu ku amaanay in ay dalkooda ka cirib tirtay cudurka Duumada ama malaariyaha, islamarkaanq ay leeyihiin dhaqaatiir taqasus gaar ah leh oo dalka ka saacidi karo sidii cudurkan Duumada iyo cudurada kale ee halista ah looga hortagi lahaa.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN UU SOO JEEDIYO WERIYE YUNIS DEKOW:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here