Xildhibaanka Budalang’i Oo Damaanad lagu Sii daayey

1
11

By: Burhan Farah Hassan

[RMK] Xildhibaanka laga soo doorto Budalang’i MP Raphael Wanjala ayaa maanta lagu daayey damaanad.

Xildhibaan Wanjala ayaa isaga iyo 4 qof oo kale waxaa soo xiray booliska maalinimadii Sabtida kadib markii la soo sheegay in fowdo ay ka dhacday goob xaflad lagu qabanayey oo ku taal degaanka Busia Jimcihii.

Xildhibaanka, oo ay la socdeen Mbaga Tuzinde, John Michula, Alfred Wesonga iyo Peter Otuna ayaa dacwad lagu soo oogay waxaana lagu soo eedeeyay in ay ku gardaroodeen qof ka tirsan saraakiisha dowladda, iyaga oo khatar geliyey, badbaadada diyaarad ay saarnaayeen dadkaasi islamarkaasina u hanjabay.

Waxaa dhammaantood ay inkireen dacwadaasi waxaana maanta lagu sii daayey kharash dhan 400,000 oo madaxaa ha ku furto ah.

Jimcihii ayey aheyd markii Mr Wanjala uu ka soo baxsaday degaanka Busia kadib markii taageerayaashiisa ay isku dhaceen xoghayaha maamulka arrimaha dibadda Ababu Namwamba.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here