Xildhibaanka Budalangi Oo lagu xiray Kisumu

1
39

BY: Burhan Farah Hassan

[RMK]    Xildhibaanka laga soo doorto Budalangi Mr.Raphael Wanjala ayaa goor dambey habeenimadii Sabtida ay xireen boolisku sababo la xiriira in uu kicinayey rabshado.

Wanjala ayaa lagu soo eedeeyay in uu kicinayey taageerayaashiisa oo uu u adeegsanayey in ay iska horyimaadaan xoghayaha maamulka arrimaha dibadda Ababu Namwamba maalinimadii Jimcaha.

Siyaasadda Budalangi ayaa isku bedeashay mid fowdo ah iyadoo tageerayaal careysan oo ay kala wataan siyaasiga Ababu Namwamba iyo Raphael Wanjala ay isku dhaceen.
Wanjala iyo Namwamba ayaa iyagu ku sugnaa buundada Sigiri xilli ay qeyb ka ahaayeen kormeerka dowladda ay ku sameyneysay qalabka wax yar ka hor inta aysan fowdo ka qarxin meesha.

Booliska ayaa intaa dabadeed baadi goob ku sameeyay sharci dejiyaha Budalangi, kuwaasi oo ku sii wadey dhanka magaalada Kisumu.

Dhanka kale, israacii siyaasadeed ee dhowaan dhex maray m/weynaha iyo Raila Odinga ayaa keenay in xildhibaanka Gatundu South Mr. Moses Kuria uu booqasho aan la fileyn ku tago kowntiga Homa Bay. Isagoo xildhibaanku uu hogaaminayey xildhibaanno kale ayaa waxa uu ugu baaqay hogaamiyeyaasha qaarkood in ay u dacwoodaan sidii ay u midoobi lahaayeen Kenyaanka.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here